C/raxmaan C/shakuur oo si adag uga hor yimid taliye ay dalacsiisay dowlada Somalia

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si adag uga soo horjeestay talaabada ay dowlada Somalia ku dalacsiisay taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir S/guuto Saadaq John oo ka mid ah saraakiil uu Madaxweynaha Somalia darajo ciidan u kordhiyey.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ku eedeeyey Taliyaha inuu xasuuq ka geystay hoygiisa sanad ka hor, isagoo nasiib ku tilmaamay dalacsiinta la siiyey.

Qoraal arintan la xiriira oo C/raxmaan C/shakuur Warsame uu soo dhigay boggiisa facebook ayaa sidan u qornaa:  

Waxay ummada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay in wiilkan garaadaha sareeya guuto caawa loo xiray uu xasuuq ka gaystay xarunta Xisbiga Wadajir oo uu 5 askari oo ciidanka xooga dalka ka tirsan ku dilay, maydkoodiina kabaha ku aasay.

Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay.

Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -